Tuesday, July 15, 2025

Maxaa ka soo baxay shirkii ugu horeeyay ee guddoonada Aqalada Baarlamaanka..? [Akhri]

Kulankii ugu horeeyay ayaa maanta dhex maray labada guddoon ee Aqalada Baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan la doortay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa  sheegay in labnada guddoon la isku yiraahdo Guddoonka Golaha Shacabka, isagoo sheegay inay ka wadahadleen xoojinta wada shaqaynta labada Aqal.

Labada Guddoon ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay in Guddiga Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee wadajirka ah lagu magacaabo kulan ay beri yeelan doonaan labada Gole.

Guddiga Doorashada  labada aqal ayaa marka la magacaabo kadib sameysan doona hogaan iyagoo markaas kadib ku dhawaaqi doona xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON