Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa soo gabagabeeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo socday shantii maalmood ee ugu danbeysay.
Xisaabtankan ayaa ku saabsanaa in wasiirrada kula kormero shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshahoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, iyagoo saxiixayey halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019.
Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud, ayaa sheegay inay guul kusoo dhammaatay isla xisaabtana oo ra’iisul wasaaruhu ku xaqiijinayay wax-qabadka 26-ka wasaaradood ee xukuumaddu ka koobantahay iyo Bangiga dhexe, laguna jaangoynayay wax-qabadka sannadka cusub.
La-xisaabtanka Ra’iisal wasaaraha ee wasiiradiisa oo soo bilowday sanadkii hore ayaa u badan sawirro lagu baahiyo baraha bulshada, iyadoo aan la arkin wasiir lagu helo inuu howshiisa ka gaabiyey.