Monday, July 14, 2025

Maxaa keenay inay baaqato Doorashadii la filayay inay Caawa ka dhacdo Beledweyne..?

Waxaa dib u dhac ku yimid Doorashada kuraas ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo lagu waday inay maanta iyo Caawa ka dhacaan magaalada Beledweyne.

Kuraasta dib loo dhigay waxaa ka mida HOP063 oo ay ku tartami lahaayen 9 musharax iyo Hop011 oo loo diiwaan geliyey laba musharax, balse wararka ayaa sheegaya in arrimo is biirsaday dartood dib loogu dhigay doorashada.

Afhayeenka madaxweynaha Hirshabelle Daud Xaaji Cirro ayaa sheegaya in xillliga oo noqday gabal-dhac ay guddiga iyo laamaha ammaanka ay isla garteen in ilaa gelinta hore ee Berri dib loo dhigo doorashada, mana bixin faahfaahin kale.

Warar kale ayaa sheegaya in musharixiinta kursiga Hop063 ay dalbadeen waqti dheeri ah oo ay olole ku sameeyaan, iyagoo diyaar ku noqon waayey ilaa caawa; halka ay barbar socdaan ololeyaal u dhaxeeya musharixiinta oo qaarkood ay u rajo dhigeen kharash la’aan.

Kursiga HOP011 ayaa iska ka mida kuraasta dib u dhaca ku yimid, taasoo ka dhigan in manata iyo cawa aanay wa doorasho ahi ka dhaceynin Magaalada Beledweyne.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON