Sunday, July 13, 2025

Maxaa keenay inuu Siciid Deni ka dego Garoonka Cadaado, safar Dhulka ahna ku galo Dhuusamareb?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta ka degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoo kusii jeeda Magaalada Dhuusamareeb, kna dhoofay magaalada Garoowe.

Siciid Deni ayaa la sheegay inuu tallaabadan u qaatay xaalad amni, kadib markii la siiyo tallooyon amni oo safarkiisa ku saabsan, iyadoo ay Alshabaab weerraro madaafiic ah ku qaadeen xalay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb iyo xaafado ka tirsan magaaladaasi oo ay ku sugnaayeen Madaxda dowladda Federaalka.

Madaxweyne Deni oo ay la socdaan ciidamo badan oo amnigiisa ilaalinaya ayaa safar dhinaca dhulka ah ku galay Magaalada Dhuusamareeb, isagoo ahaa madaxweynihii ugu danbeeyay madaxda Maamul Goboleedyada dalka ee gaara Dhuusamareeb.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON