Sunday, October 25, 2020
More

    Maxaa ku Qarsoon Qodobka kaliya ee Madaxweyne Farmaajo ku leeyahay Heshiiska cusub ee Doorashada..?

    Heshiiska cusub ee Doorashada 2020/2021 oo ay caawa magaalada Muqdisho ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo uu wehliyo Sii-hayaha Ra’iisal wasaraha waxaa ku jira Qodob kaliya oo ka haray qodobadii ugu waaweynaa ee Madaxweyne Farmaajo uu ku lahaa Heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb 3.

    Heshiiskan cusub ayaa ka kooban 15 Qodob, wuxuuna meesha ka saaray nuxurkii heshiiskii Dhuusmareeb 3, iyadoo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka tanaasulay guud ahaan qodobadii uu watay oo ay ugu waaweyn yihiin, Guddiga Doorashooyinka, Degaanada Doorashada, tirada ergada iyo Xisbiyada.

    Ad

    Qodobka kaliya ee Madaxweyne Farmaajo ugu soo haray heshiiska cusub ayaa u qoran sidatan: ” Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan”.

    Qodobkan ayaa shaki laga muujinayaa inuu Madaxweynaha u adeegsado inuu ku hor istaago heshiiska, iyadoo ay dhici karto in Baarlamaanku diido, laakiin xogta la helayo ayaa sheegeysa in Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh uu balanqaaday in Golaha Shacabka ansixinayo Heshiiska.

    Beesha Caalamka ayaa dhinaca kale si weyn u taageereysa heshiiskan, waxaana ku adkaan doonta Golaha Shacabka inuu ka hor yimaado heshiiska cusub ee Doorashada, taasoo haddii ay dhacdo keeni doonta qalalaase siyaasadeed.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,064FollowersFollow
    5,657FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,064FollowersFollow
    5,657FollowersFollow

    TOP NEWS

    Jid muddo Sanado ah u xirnaa Safaarado oo la bilaabay in Dhagxaanta iyo Shubka laga qaado

    Jid muhiim ah oo muddo sanado ah u xirnaa safaarado kala duwan ayaa waxaa hadda socda howl adag oo dhagxaanta looga qaadayo.

    Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacii ka bedelay xilliga ‘Kala-guurka’ ee xukuumadiisu kusoo beegantay

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magaca ka bedeley waqtiga 'KALA GURKA' ah ee ay xukuumadiisa kusoo beegantay, iyadoo dalku doorasho gelayo mudaddii...

    Xukuumaddii ugu waqtiga yareyd ee Ra’iisal wasaare Rooble oo la ansixiyey iyo Wasiirada oo la dhaariyey

    Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta codka kalsoonida siyey Xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo Barnaamijkeeda. Golaha wasiirada...

    Ganaax lagu riday Haweeney ah Xeer ilaaliye ku-xigeen oo khilaaf ka dhaliyay Hay’adaha Garsoorka (Akhriso)

    Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo xafiiska Xeer ilaalinta Guud kadib markii ganaax lagu riday haweeney ah...

    Kulan magaalada Nairobi ku dhex maray Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Shariif iyo Arrimaha looga hadlay

    Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya uu magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynhii hore Shariif Sheekh...

    Weriye C/llaahi Kulmiye: “Nabadsugidda iyo ciidamada Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isoo weerarray..”

    Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow oo maanta laga sii daayey xabsiga Godka Jilacow oo uu muddo 5 maalin ku dhowaad ah ku jiray...

    Maxay isku seegeen Wasiir Maareeye iyo Madaxweyne Farmaajo..? (Qaabkii looga reebay Golaha Wasiirada)

    Wasiirada sida lama filaanka ah laga reebay Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble waxaa ka mida Wasiirkii Warfaafinta Maxamed Cabdi...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!