Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Adis ababa kula kulmay dhigiisa dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xiriirka labada dal sidii xoojin lahaa iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee labada dowlaadood, wuxuuna kulanka ka danbeeyay markii wafdi uu hoggaaminayo Ra’isal wasaare Kheyre ay Adis ku tageen martiqaad ay ka heleen Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre yaa sheegay in kulankii uu la yeeasay Abiy Ahmed uu ahaa mid jawi wanaagsan ku dhacay oo ay uga hadlen xiriirka labada dal iyo danaha ka dhaxeeya. “Waxay labada dhinac iska qireen sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo labada shacab” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo farriin soo dhigay baraha bulshada.
Wafdigah Ra’iisal wasaaraha waxaa ka mida Wasiirka Qorshaynta, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda,iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.