Saturday, October 4, 2025

Maxaa Wakiilada Beesha Caalamka loogu yeeray magaalada Dhusamareb..? (Sawirro)

Waxaa maagalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug gaaray wafdi ka kooban wakiilada beesaha caalamka ee arrimaha Soomaaliya, halkaasoo ay kusoo dhoweeyeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Xubnaha Dhuusamareeb ka degay waxaa ka mida Wakiilka Q/Midoobay, Wakiilka Midowga Afrika, Wakiilka IGAD iyo safiirada dalalka US, UK, Sweden, Qatar, Turkiga, Jabuuti, Norway, Italy Itoobiya iyo safiiro kale, waxaana garoonka kusoo dhoweeyay wasiirada arrimaha gudaha iyo Amniga xukuumadd Soomaaliya, iyadoo la dejiyay xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Wakiilkada Beesha Caalamka ayaa Dhuusamareeb ayaa la sheegay inay la xiriirto ku dhawaaqista furitaanka gogosha dib u heshiisiinta Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb laga furayo oo ay hoggaamin doonaan Guddiga Dib u heshiisiinta ee xukuumadda Somalia dhistay.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo muddo Bil ku dhow ku sugnaa degaanada Galmudug ayaa howshii Galmudug ku wareejinaya Guddiga Dib u heshiisiinta ee xukuumadiisa magacawday, waxaana wakiilada Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqon doonaan furitaanka wejiga koowaad ee Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug

DAAWO SAWIRRADA


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON