Tuesday, June 24, 2025

Maxaad ka taqaan Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland? [Al-itixaad miyuu ka mid ahaa..?]

Waxaa maanta magaalaada Garowe lagu doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Maamul goboleedka Puntland, waxaana ku guuleystay C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Wareeggii hore ee doorashada ayuu helay 37 cod, Halka Cabbdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 15 cod, ayadoo Abwaan Cabdirashiid Jibriil-na uu helay 5 cod oo kaliya. Waxaa sidaas waxaa wareegga labaad ugu soo gudbay Cabdixakiin Dhoobo Daareed iyo Cabdijamaal Cismaan.

Codeyntii wareeggii labaad ayaa guddoomiyaha la doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed waxa uu ku guulaystay 43 cod halka Cabdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod.

Wuxuu hore ugu tartamay xilkan Baarlamankii hore, waxaase ka adkaaday Axmed Cabdi Xaashi oo hadda banneeyay xilkaasi.

Waa kuma  C/xakiin Dhoobo Daareed..?

C/xakiin Dhoobo-Daareed Waxa uu kamid ahaa xildhibaanadii uu waqtigoodu dhammaaday, horayna waxa uu ugasoo shaqeeyey Shirkadda isgaarsiinta ee Golis oo ugu weyn degaanada Puntland.

Wuxu kamid ahaa ururkii Al-Itaxaad oo 1992-dii isku dayey inay gacanta ku dhigaan maamulka gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dadka yaqaan waxa ay sheegaan in uu yahay nin dabeecad wanaagsan, waxa uuna ka agdhow yahay urur diimeedka Al ictisaam.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON