Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku sugan xarunta Afisyoone ee lagu waday inuu ka furmo shirka wadatashiga Madaxda Soomaalida iyo maamul Goboleedyada.
Wararkii ugu danbeeyay ee Teendhada Afisyoone ayaa sheegaya in Farmaajo uu shir gaara uga furay qola ka mida Teendhada madaxda maamul Goboleedyada taageersan iyo Gobolka Banaadir, waxaana shirkaasi lagu tilmaamay mid la-tashi ah.
Waxaa shirka ku wehliya Farmaajo, Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Axmed Qoorqoor, C/casiis Lafta-gareen, Cali Guudlaawe iyo Cumar Filish.
Waxaa weli goobta ka maqan madaxda labada maamul Goboleed ee Puntland iyo Jubbaland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ka hor yimid qaabka shirka ku socdo.

