Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Federaalka Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay kala jabkii ku yimid Guddiga Doorashada Somaliland.
Shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen xubno ka mida Garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare ayey ku sheegeen in khilaafka iyo kala qeybsanka ku yimid Guddiga SIET ee Somaliland uu mas’uul ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Federaalka ee Maxamed Xasan Cirro.
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in heshiisku ahaa in Ra’iisal wasaaraha uu hago Doorashada Somaliland, isagoo la tashanaya Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka, laakiin uu taasi garab maray Maxamed Cirro.
Wuxuu sheegay in iyadoo aan la gaarin doorashada Guddiyada uu Maxamed Cirro isku dayay muddo laba jeer ah oo kala ah 6-da iyo 8-da July uu isku daay inuu doorasho qabto Guddiga Doorashada Somaliland labadaas jeerna uu ka hor istaagay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
“10-kii Bisha isagoo Guddigu kala maqan yahay ayuu qabtay doorasho hal dhinaca ah.. Cirro wuxuu ku fashilmay hogaaminta Guddiga Doorashada, mana aha qof lagu kalsoonaan karo..” ayuu yiri Xildhibaan Maareeye.
Kadib khilaafka iyo kala jabka Guddiga Doorashada Somaliland wuxuu sheegay in lagu heshiiyey in arrinta shir laga yeesho, lagana saaro Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada Federaalka doorashada halka dhinac ah ee lagu faafiyay, taasoo aanan dhicin weli.
