Thursday, June 26, 2025

Maxay ahaayeen Shirkadda Amniga iyo Saraakiisha Caddaanka ah ee lala beegsaday Qaraxii Is-miidaaminta?

Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya lagu beegsaday Qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Warka kasoo baxay Afhayeenka Booliska ayaa lagu yiri: “25-11-2021 abaaro 07:32hrs waxaa Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex.M. Cabdiqaasim, gaar ahaan Afaafka Hore ee Iskuulka Mocaasir oo kuyaala kasoo horjeedka Dugsi sare Banaadir
Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf kana yimid dhanka Tarbuunka taarget-ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN-ka ee loo yaqaano Duguf Security Qasaaruhuna ay Tirakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah”

Wuxuu intaas ku daray in qaraxa uu beegsaday ciidamada Amniga gaarka ah ee loo yaqaan Duguf Security oo ah ciidamo ilaaliya Shaqaalaha UN-ka, mana jirin faahfaahin kale oo arrintan laga bixiyay, marka laga reebo saddex dhaawac ah oo gaaray dadkii la socday gaadiidka shirkadda Duguf.

Shirkadda Duguf enterprise security services ayaa ah Shirkadda gaar loo leeyahay oo ka shaqeysa Amniga Ajanbiga dalka yimaada iyo shaqaalaha UN-ka marka ay dibadda uga baxayaan Xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana ay muddo dheer ka howl galeysay Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay qaraxa is-miidaaminta qasaare ku gaarsiisay saraakiil Caddaan ah oo ka baxay Xerada Jen. Gordan, kuna socday Xerada Xalane, sidoo kale Alshabaab ma bixin faahfaahin kale.

Alshabaab waxay 11-kii bishan Novermbar weerar kan la mida ugu qaaday Sarkaal caddaan ah oo ay galbinayeen ciidamada AMISOM, agagaarka Isbitaalka Banaadir, iyadoo aan wax war ah kasoo bixin AMISOM, sidoo kale weli ma jiro War kasoo baxay UNSOM.

No photo description available.
No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON