Maalmihii la soo dhaafay waxaa si xowli ah uga socda magaalada Muqdisho falal Qaraxyo iyo khaarijin isugu jira oo lagu beegsanayo dadka caadiga ah iyo askarta dowladda.
Shacab iyo askar ayaa lagu dilay qaraxyo iyo dilal khaarijin ah oo si is daba joog ah uga socda magaalada, waxaana si aan hore loo arag u soo kordhay dilalka khaarijinta ah.
Dadka la dilay intii uu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo Farmaajo xilka qabtay ee lala eegtay qaraxyada iyo khaahirijinta muddo 20 maalmood ah ayaa ka batay 60 qof, iyadoo maalin waliba hal ama laba qarax ay ka dhacayaan magaalada.
Muddo saddex maalmood gudahood waxaa Muqdisho ka dhacay saddex qarax oo baabuur lagu soo xiray, waxayna la beegsaday isugu jiraan askar, madax hore, saraakil iyo dad shacab ah.
Hay’adaha ammaanka ayaan u diyaar garoobin xaalada amni oo sidan u cakiran iyadoo Alshabaab xilli waliba oo isbedel siyaasadeed iyo xil kala wareegis ay dhacdo ay caado u tahay inay kordhiyaan weerarkooda.
Madaxda Alshabaab ayaa dhowaan ku hanjabtay inay sii wadi doonaan, isla markaana sii kordhin doonaan weeraradooda, waxaana xaaladda Muqdisho ka taagan ay mar kale caddeyn u tahay in AMNIGA uu yahay howsha ugu weyn ee hortaalla dowladda cusub ee Farmaajo.
Dadka qaarkii ayaa aaminsan in sababta weerarada loogu badiyay dhinaca shacabka ay tahay taageeradii ay siiyeen madaxweynaha cusub oo een weli sal dhigan.
Goobjooge.com