Thursday, June 26, 2025

Maxay ka wadahadleen Gudoomiyeyaasha KMG ah ee Labada Aqal iyo Farmaajo..?

Guddoomiyeyaasha kumeel gaarka ah ee ee labada Aqal ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa caawa la kulmay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxtooyada aya faafisay qoraal ay ku sheegtay in Farmaajo labada Guddoomiye ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday, kuna sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Labada Guddoomiye ayaa Farmaajo uga mahadceliyey kulanka, iyagoo u sheegay inay ka go’an tahaydardar galinta doorashooyinka dalka ee xilliga dheer dib u dhacay.

Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa maanta Xarunta Aqlaka Sare ka sheegay in Farmaajo uu Telefsoonka kula hadlay, isla markana uu raali ka yahay in doorashada la dardar geliyo, ayna isku aragti yihiin Ra’iisal wasaaraha

Farmaajo ayaa xalay soo saaray qoraal uu ku sheegay in dhameytirka Doorashada loo maro heshiiskii 17-ka September, taasoo uu uga soo horjeeday in Doorasho lagu qabto degmada Ceelwaaq, sida ay isku raaceen Xukuumadda Rooble, Maamulka Jubbaland iyo Guddiga FEIT.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON