Wednesday, June 25, 2025

Maxay ka wadahadleen Madaxda Somalia, Itoobiya iyo Kenya..? [Itoobiya oo War kasoo saartay -SAWIRRO]

Madaxda dowladda Somalia iyo Kenya ayaa ku heshiiyey inay ka wada shaqeeyaan nabadda ayna qaadaan tallaabooyin ay ku xalinayaan arrimaha gaarka ah ee keenay inay xiisad ka dhex abuurto labada dal.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in hoggaanka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ay u suuragashay inuu saaka shir isugu keeno Madaxweynayaasha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayna si qoto dheer uga hadleen arrinta dhalisay xiisadda labada dal.

Warka waxaa kaloo lagu sheegay inay ku heshiiyeen ka wadashaqeynta nabadda iyo tallaabooyin ay ka qaadi doonaan sidii xal loogu heli lahaa arrinta ay ka dhalatay xiisadda labada dal soo dhex gashay.

Itoobiya ayaan magacaabin arrinta xiisadda dhalisay ee madaxda dalalka Somalia iyo Kenya ka wadahadleen, taasoo ah kiiska Dacwadda Xuduudka Badda, basle ay Soomaaliya diidan tahay in la shaaciyo arrintaasi.

Through the leadership of PM Abiy Ahmed, @UKenyatta & @M_Farmaajo met this morning to discuss extensively on the source of the two countries dispute. As an outcome both agreed to work towards peace & to take measures in addressing particular issues that escalated the tensions.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON