Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa kulan gaara la yeeshay Madaxweynaya Jubbaland Axmed Maxmed Islaam (Madoobe) oo degan gudaha Xalane.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu yiri: “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto. Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii beesha caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd”.
Kulankan ayaa qeyb ka ah shirar xiriir. ahoo Axmed Madoobe la yeelanayay xubnaha Beesha caalamka iyo Musharixiinta, wuxuuna hore ula kulmay Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan.


