Friday, January 21, 2022

XOG: Maxay kooxda Farmaajo u diideen taageerada Musharax Xildhibaan Khadiijo Diiriye..?

Iyadoo ay uu socdo ololaha doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa Musharixiinta xildhibaannada ah waxay taageero ka helayaan musharixiin iyo maamul Goboleedyada si ay ugu soo baxaan kuraasta loo tartamayo.

Kursiga HOP097 oo muddo 20 sano ah ku fadhisay xildhbaan iyo Wasiirka xilligan ee Gargaarka ee Soomaaliya Khadiija Maxamed ayaa sanadkan waxaa ka muuqda isbedel markii ay soo baxday haweeney lagu magacaabo Baarliin Maxamuud Biin oo taageero ka heshay qaar ka mida haweenka siyaasiyiinta ah.

Xildhibaan Khadiijo Diiriye oo muddo dheer ku doodi jirtay in kursigan aanay jirin cid ku heysata beesheeda ayaa dagaal culus ugu jirta sidii ay u ceshan lahayd, waxaana ay sameysay kulamo joogto ah oo ay ku weerartay haweeneyda dooneysa inay la tartanto.

Ad

Khadiija oo hab-dhaqankeeda siyaasadeed uu siiyay inay mar waliba ka mid noqoto golaha wasiirada, si buuxdana muddo dheer u taageereysay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxa la yaab noqotay in kooxda Farmaajo iyo ololahooda doorashada uu diiday inuu taageero Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ujeedka kaliya ee arrintan lagu macneeyay ayaa ah in kooxda ololaha Farmaajo oo uu madax u yahay Fahad Yaasiin aanay dooneynin siyaasiyiintii hore iyo dadka saameynta leh ee aanay isku halleyn karin, balse dhisayaan oo kaliya dad cusub oo ay iyagu hoos kasoo qaadeen.

Taageerada kaliye ee Khadiijo Maxamed Diiriye ay heysato ayaa ah Madaxweynaha Hirshabeelle, waxayna arrintan ku keento inay xoojiso dadaalkeeda ay ku dooneyso inay dib ugu soo laabatoo Baarlamaanka 11-aad.

- Advertisement -

Dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee Khadiijo Diiriye ku kacday sida shaqo ka eryidda shaqaale ka tirsanaa Wasaaradeeda si loogu bedelo xubno ergo u noqonaya kursigeeda, taasoo uu xaqiijiyey wasiir-kuxigeenka iyo hanjabaadda ay ku heyso haweeneyda shaacisay inay la tartameyso waxay caddeyn u tahay in doorashadan ay xaalad adag wajaheyso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!