Waxaa shalay kulan gaara ku yeeshay xarunta madaxtooyada labada Musharax ee xilka madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan Maxamud Faroole.
Kulanka ayaa lagu sheegay inuu ahaa soo dhoweyn iyo salaan ay labada musharax yeesheen, waxaana shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen ay sheegeen inay ka wadahadleen xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka.
Madaxweyne Xasan Sheekh aya uga mahadceliyay madaxweynihi hore ee Puntland kaalintii uu ku lahaa in laga gudbo xiligii KMG, halka C/raxmaan Faroole uu sheegay in laga soo gudbay xilligii dhaliilaha la jeedin jiray oo loo diyaar garoobaayo Doorashada, isagoo u mahad celiyay waxqabadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee 4-ta sano.
Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya inuusan jirin isbaheysi doorasho oo dhex maray labada nin oo kaliya kulankooda ku saabsanaa arrimo guud, isagoo ahaa mid hordhaca ah, waxaana la ogyahay in C/raxmaan Faroole heshiis doorasho hore ula galay musharaxa Shariif Sheekh Axmed.
Goobjooge.com