Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan heshiisiin ah la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo khilaaf doorasho soo dhex galay.
War kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wararku sheegayaan inuu xaliyey xaaladii ka dhalatay kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu eedeeyay inay isaga iyo Mahdi Guuleed boobayaan kuraastii beelaha Waqooyi.
Heshiiskan oo aan faahfahain badan laga bixin yaa lagu soo koobay inay Cabdi Xaashi ityo Mahdi Guuleed si wadajir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada.


