Sunday, June 22, 2025

Maxay tahay digniinta hordhaca ah ee Mareykanku siiyey Diyaaradaha tegaya magaalada Addis Ababa?

Iyadoo weli uu socdo dagaalka dalka Itoobiya ayaa Hay’ad Mareykan ah digniin siisay diyaaradaha adeegsada hawada dalkaasi, gaar ahaan magaalada Addis ababa.

Digniinta Maraykanku ayaa ku saabsan in diyaaradaha ka hawlgala Garoonka Bole International ee magaalada Addis ababa oo ah kan ugu mashquulka badan Afrika ay la kulmi karaan halis hubka lidka Diyaaradaha ee dhulka laga rido ama garbaha lagu qaato, haddii ay kooxaha TPLF kusoo dhowaato caasimadda Itoobiya.

Arrintan oo ‘La-talin’ ahayd waxay kasoo baxday Maamulka Duullimaadka Federaalka Mareykanka, waxaana la soo saaray Arbacadii, waxaana lagu sheegay in dagaallada ka socda dalka Itoobiya; ay halis gelin karaan duulimaayada rayidka.

Ad

Mareykanka ayaa dhowaan ku booriyay muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya inay degdeg uga baxaan, wuxuuna meesha ka saaray inay Itoobiya ka dhici doonto daadgureyn la mida tii ka dhacday dalka Afghanistan oo kale.

Garoonka caalamiga ah ee Addis Ababa ayaa ah xudunta u ah diyaaradaha shirkadda Ethiopian Airlines ee ay dawladdu leedahay, taas oo astaan weyn ​​u ah maqaamka Itoobiya oo ahayd mid ka mid ah waddamada dhaqaalahoodu sida xawliga ah u korayo ka hor dagaalka.

Sidoo kale Addis Ababa ayaa ah caasimadda diblamaasiyadeed ee qaaradda oo ah hoyga Midowga Afrika. La-talinta Hay’adda Mareykanka ee FAA laguma xusin wax warbixin ah oo ku saabsan carqaladeynta garoonka caalamiga ah ee Bole iyo halis ku sabasan diyaaradaha rayidka ah” laakiin waxay ku doodeysa khatarta ku wajahan diyaaradaha duulaya iyo kuwa dhoofaya inay sii kordhi karto haddii dagaalyahannada Tigray-ga ay hareereeyaan caasimadda.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON