Shaqaaqo ka dhex dhalatay ciidamo ilaalo u ah Musharixiinta xildhibaan ee C/llaah Aadan Kulane iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Arrintan oo salka ku heysay Telefoono la sheegay in la dhacay ayaa salka la gashay ilaalada Musharax C/llaahi Kulane oo ka mida saraakiisha Sare ee NISA, waxaana guriga uu ka degan yahay magaalada Dhuusamareeb laga maqlay rasaas kooban iyo isku dhac, markii ay tageen ciidamo ilaalo u ah C/raxmaan C/shakuur.
Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay shaqadaada, wuxuuna sheegay inay ahayd arrin yar oo dhex martay ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda, isla markaana si degdega loo xaliyay, isagoo beeniyay wararka lagu faafiyey Baraha Bulshada ee dhacdadaasi ku saabsan.
“Rag dhalinyaro ah oo arrimo telefoono dhex mareen, oo isla markii saraakiisha ciidamada ay dhex galeen, wax weyn ma jirin. Askartii fowdada sameysayna waxay ku xiran yihiin saldhigga magaalada Dhuusamareeb..” ayuu yiri Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa xilligan waxaa ku sugan musharixiin fara badan iyo ciidamo ilaalo u ah mid kasta, taasoo xaaladda amniga magaalada ka dhigtay mid mar kasta isku dhac ka dhici karo.
