Thursday, June 26, 2025

Maxay u xiran yihiin Wadooyinka Magaalada Muqdisho Qarixii Isgoyska Zope kadib..?

Inta badan wadooyinka Muqdisho ayaa maanta xiran kadib qaraxii weynaa ee gilgilay magaalada Sabtidii shalay ee 14-ka Oktoobar.

XAALKA JIDKA MAKA ALMUKARAMA 

Ciidamada ammaanka ayaa celinaya gaadiidka, iyadoo heegan sare ku jira, waxaana cabasho ka timid mas’uuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku celceliyay baaq ah in dadka loo furo wadooyinka, baaqaas oo u muuqda inuusan fulin.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in heegan sare la geliyay ciidamada iyadoo laga cabsi qabo baabuur sida qaraxyo kale, iyadoo isla shalay la fashiliyay gaari kale oo qarax siday kadib markii uu dhacay qarixii weynaa.

Wadooyinka xiran iyo gaadiidka loo diiday inay isticmaalaan ayaa dhaliyay xaalad kale oo dadka ay si weyn uga caroodeen tallaabooyinka ammaanka Muqdisho ee ku jirta baroordiiqda maalintii koowaad ee dadkii lagu laayay qarixii Isgoysa Zope.

Ciidamada ammaanka ee ku sugan wadooyinka ayaa ka amar qaata wasaaradda amniga, waxaana is qaban la’ howlaha sugidda ammaanka iyo rabitaanka dadka oo dareemaya inuusan jirin ammaan la sugo, halka mas’uuliyiinta ay ka digayaan inay jiri karaan weerarro kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON