Waxaa saaka maxkmadda Gobolka Banaadir lasoo taagay agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, iyadoo lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.
Waxaa eedeysanayaasha ka mida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, agaasimaha Maaliyadda, iyo xubno kale oo ay ku jiraan hay’ado uu lugta la galay kiiskan Musuqa ah ee saameynta weyn ku yeeshay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.
Dhageysiga dacwadda eedeymo loo heysto mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maalintii koowaad maanta bilaabatay, waxaana la dhageystay xeer ilaalinta oo dacwad kusoo oogtay xubnahaasi, kadib baaritaan uu ku lug lahaa xafiisak Hanti dhowrka oo qaatay laba bilood.
9-ka xubnood ee ka tirsan wasaaradda caafimaadka iyo hay’ado xiriir la lahaa ayaa haddii kiiskan lagu helo waxay wajihid oonaan xabsi culus.

