Tuesday, July 14, 2020
More

    XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Go’aan lama filaan ah Qaadanaya & Sababta dhalisay (Akhriso)

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu qaato go’aan yaab leh oo isbedel ku keenaya mowqif uu ku adkeysanayey muddo ka badan Sanad.

    Kadib cadaadis dhinac walba leh oo la saaray Madaxweyne Farmaajo, kaasoo uga yimid Beesha Caalamka, Aqalka Sare iyo xukuumadda waxaa la sheegay inuu aqbalay ka qeyb galka kulan dhex mara isaga iy madaxda Maamul Goboleedyada oo uu ku jiro Axmed Maxamed Islaam.

    Ad

    Madaxweyne Farmaajo ayaa diidanaa inuu aqoonsado ama uu hor fariisto Axmed Madoobe tan iyo intii ay dhacday doorashadii muranka dhalisay ee Ogost 2019, waxayna arrintan ahayd mowqif adag oo Madaxweynha ku adkeysanayey wixii ka danbeeyay shirkii fashilmay ee Garowe, May 2019.

    Kadib tallaabadii uu qaaday Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ee uu uga hor yimid qaabka Doorashada ee Madaxtooyada riixeyso, kuna baaqay shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa culeys cusub saartay madaxweyne Farmaajo, waxaana xaaladda uga sii daray Guddiga uu magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi oo u badan xubno caana oo ka horjeeda madaxweyne Farmaajo.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda inta aanu u dhoofin shirka Jabuuti uu ku dhawaaqo shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada iyo goobta uu ka dhacayo oo lagu wado inay magaalada Dhuusamareeb noqon doonto.

    Axmed Madoobe iyo Faarmaajo

    Tallaabadan ayaa ka dhigan inuu Madaxweyne Farmaajo ka tanaasulayo Go’aankii ugu adkaa ee uu ka qaatay Jubbaland oo ay ku jiraan Aqoonsiga Axmed Madoobe iyo dhammaanshaha howlgalkii qarashka badan ku baxay ee Gedo.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa maraya xaalad adag oo kala guur ah, waxaana ku kulmay cadaadis dhinac waliba uga imaanaya, iyadoo uu xilligan ku qasbanaaday inuu qaato go’aano hore u ahaa kuwo aan la aqbali karin oo is-qarxin siyaasadeed ah.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    144,032FansLike
    1,793FollowersFollow
    5,522FollowersFollow
    144,032FansLike
    1,793FollowersFollow
    5,522FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!