Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ka bilowday dhageysiga dacwad ku saabsan dilka Darawal Mooto Bajaajle lagu dilay magaaladaasi oo dhaliyey qalalaase iyo dhimashada 4 ruux oo kale.
Askari ka tirsan ciidamada Booliska degmaada Beledweyne oo lagu magacaabo Mahad Xuseen Shiidow ayaa lagu soo eedeeyay dailka Yaasiin Cali Saney oo ahaa mooto bajaajle u geeriyooday rasaas uu ku furay eedeysanaha 27-kii bishii August ee 2018.
Geerida Yaasiin Cali Saneey ayaa sababtay isku dhacyo u abaabulan qaab qabiil taas oo sii murjisay xaalada, waxayna dhalisay dhimashada Afar kale iyo Laba dhaawac ah. Xaalad cakirnaan ah oo ay gashay magaalada Beledweyne ayaa sababtay in maxkamadda ciidamada loogu yeero Beledweyne.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa hogaaminaya saraakiisha maxkamadda ciidamada ee wada qaadista dacwadda.
Dhageysiga kiiska dacawadda eedeysane Mahad Xuseen Shiidow, ayey xeer ilaalinta ku soo bandhigtay sida dilku u dhacay:
“Markii mootada la joojiyey marxuumka waxa uu ka codsaday askarigii joojiyey in uu rakaab uu sido uu geeyo kadibna uu u soo laaban doono, intii ay wadahadlayeen marxuumka iyo askarigii joojiyey Mahad ayaa ka daba yimid, wuxuuna soo istaagay dhankii uu taagnaa askariga ma ahee dhankii kale, wuxuuna ku yiri: maxaad ii soo dhaafeysaa qorigiisa ayuu ku fiiqay laba xabadood ayuuna ku riday”. Ayuu yiri Gaashaanle Abuukar Yuusuf Cabdi.
Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida maxkamadda ciidamada ka codsaday in Mahad Xuseen Shiidow lagu fuliyo dil toogasho ah oo ah dambigii uu geystay. Laakiin Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa dalbaday in laga qaado diyo gaf ah, maadaama uu qirsan yahay jiritaanka dilka ka dhacay.
Waxaa kaloo maxkamadda la soo taagay Lix eedeysane oo midkood maqane ahaa, kuwaasoo ku eedeysan weerar ay u abaabuleen qaab qabiil, kaasi oo sababay dhimashada Laba ruux iyo dhaawaca qof kale.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Milareriga Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray dhageysiga dacwadda, isagoo shaaciyey in go’aanka maxkamadda dib laga soo sheegi doono.