Sunday, March 26, 2023

Maxkamadda Ciidamada oo Xukuntay Sarkaal Ciqaab ku dilay Maxbuus ku eedeysnaa Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun Xabsi Ciidan iyo Diyo ah ku ritay Sarkal ka tirsa ciiiamada dowladda oo jirdil iyo ciqaa ku dilay maxbuus ku eedeysnaa Shabaabnimo.

Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ahaa taliye xigeenka ahaa hogaanka Sahanka & Wardoonka (Hangashta) ee ciidamad Mialeriga ayey Maxkamadda Ciidamada maanta ku xukuntay bixinta Diya adag oo ah Magta marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo Shan sano oo Xabsi Ciidan ah.

Xukunkan waxaa Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Ad

Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble ayaa ku eedeysnaa inuu jirdil ku dilay isagoo baaritaan ku haya marxuum Aadan Garaac, kadib markii uu Biyo ku hafiyay, sidaasina uu naqaskii ugu dhegay 23 February 2022.

Falkan ayaa ka dhacay xerada ciidamada Gorgor ee degmada Doolow, xiyadoo eedeysanaha la dilay uu ku eedeysnaa Qarax lagu dilay taliye Ururkii 28-aad ee ciidanka xoogga dalka oo Beledxaawo lagu qarxiyay 18 Febraayo.

Ehelka eedeysanaha aaa dalbaday in loo qisaaso sarkaalka, waxaase Gaashaanlaha laga soo dhoofiyey magaalada Doolow oo hadda xabsi iyo Diyo lagu xukumay.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!