Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun Dil Toogasho ah ku fulisay xukunsuge oo hore loogu xukumay Dil toogasho ah.
Saddexda qof ee maanta la toogtay ayaa kal ah:
1- Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow) oo ku eedeysnaa inuu abaabulay weerarkii Garoonka diyaaradaha, isagoo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Milateriga Dowladda.
2-Â Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) oo isna ahaa sarkaal ka tirsan Milateriga dowladda oo lagu helay inuu Alshabaab u fududeeyay qarax badan oo ka dhacay caasimadda Muqdisho
3 iyo Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax) oo ku caan baxay inuu ahaa dhaqtar iyo sarkaal sare oo been abuur ah, isagoo lagu helay inuu ka tirsnaa Alshabaab.
Dr. Fanax oo ahaa nin wejiyo badan leh ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa abaabulka weerarro qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne, sida Qarixii lagu dilay xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed, balse laguma soo eedeyn qaraxyadaasi, sababo aan la sheegin dartood.
