Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa go’aamisay in dacwad oogaha magaaladda New York la siiyo faah-faahinta dhaqaalaha madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, gaar ahaan diiwaanada la xiriira canshuuraha.
Baaritaanka lagu sameynayo Trump ee dhinaca dhaqaalaha ayaa dacwad oogeyaasha New York waxay sheegeen inay ka eegi doonaan dambiyo dhaqaale oo lagu soo eedeeyay muddo dheer, waxaana go’aanka Maxkamadda Sare uu niyad jab weyn ku noqonayaa madaxweynihii hore Trump oo sanado badan hortaagnaa in la ogaado canshuuraha uu bixiyo ama in la fasaxo galkiisa dakhliga iyo canshuur celinta.
Garsooreyaasha oo aan macluumaad dheeraad ah ka bixin arrinkan waxay diideen codsigii Trump ee ahaa in la hakiyo xukunkii maxkamadda darajada hoose ee bishii Oktober 7-deeda in ganacsadahan noqday siyaasi ka tirsan xisbiga Jamhuuriga uu ku wareejiyo dhammaan macluumadka ku saabsan xisaabihiisa xeerbeegta maxkadmadda degmada Manhattan ee New York.
“Shaqada la xiriirta baaritaanka Trump waa sii soconeysaa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska garyaqaanka guud ee New York Cyrus Vance.
Donald Trump ayaa isna soo saaray bayaan uu ku sifeeyay in baaritaanka Vance uu yahay ugaarsigii ugu xumaad ee siyaasadeed ee taariikhda dalkan – waasida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna ku eedeeyay xisbiga dimoqraadiga New York inay awoodooda ku bixiyeen hoos u dhiggida siyaassadda la loolameysa.
Shirkadda maamusha xisaabdka iyo macluumaadka dhaqaale ee Donalad Trump ee Mazars sidoo kale go’aankan amrayaa inay la shaqeyso dacwad oogeyaasha New York, waxaana afhayeen u hadlay shirkaddaas uu sheegay inay ka go’antahay fulinta waajibaadka sharciyadeed ee saaran.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa magacaabay 3 ka mid ah 9-ka garyaqaan ee maxkamada sare oo 6 ka mid ah ay ku aragti yihiyiin jamhuuriyiinta, waxaana maxkamaddu diiday in madaxweynihii hore uu ka caagganyahay baaritaan.
