Sunday, June 22, 2025

Maxkamadda Sare oo Go’aan Culus ka gaartay Dacwadii Fahad Yaasiin iyo Mugdi hareeyay…

Rajadii Fahad Yaasiin ee inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad oo Mugdi gashay

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa go’aan culus ka gartay Dacwad uu guddiga Doorashada heer federaal ka gudbiyay Agaasimii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, taasoo lama filaan ahayd.

Dacwadda oo shalay Maxkamadda Sare dhageystay, ayaa qoraal ay soo saartay lagu caddeeyay in Maxkammadda sare ayaa aqbashay is hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

Ad

Maxkamadda sare waxay qirtay oo caddeysay inaysan awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xiriira doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad.

Qoraalka Maxkamadda sare waxa saxiixay sedexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe.

Go’aankan kasoo baxay maxkamadda sare ayaa soo afjaray rajadii uahad Yaasiin ka qabay inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad, iyo inuu utartamo kursiga guddoomiye kuxigeenka gollaha shacabka.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON