Tuesday, May 18, 2021

Maxamed Xuseen Rooble oo markii ugu horeysay la kulmaya Ra’iisal wasaarihii xilka uga horeeyay

Kulankii labaad ayaa maanta Hotel Decale ee magaalada Muqdisho ku dhex maraya Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka gaarsiinta iyo Midowga Musharixiinta.

Kulanka oo goor dhoweyd furmay ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ka baaqsaday kulankii koowaad ee labada dhinac dhex maray arrimo aan la shaacin dartood.

Kulanka maanta ayaa nqoon doona is-araggii ugu horeeyay ee Maxamed Xuseen Rooble la yeesho Ra’iisal wasaarihii xilka uga horeeyay, iyadoo la ogyahay inuu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hortegay inay xilka isku wareejiyaan.

Ad

Kulanka maanta ayaa looga hadlayaa khilaafka Doorashada ka taagan sidii xal loogu heli lahaa, iyadoo ay hor yaallaan qodobo adag oo ku sabasan shuruudaha Musharixiinta Madaxweynaha.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

158,310FansLike
2,430FollowersFollow
5,841FollowersFollow
158,310FansLike
2,430FollowersFollow
5,842FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!