Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis Aala-Sucuud ayaa magaalada Jeddah kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka ayaa looga hadlay dib u eegista lagu sameeyay xiriirka iskaashi ee labada dal, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka dhinacyada kala duwan ee labadal dal iyo taageero Sacuudigu siiyo Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiradii ugu badnaa ee Boqortooyada Sacuudiga, waxaana ka mid ahaa: Wasiirka Tamarta Amiir C/casiis Bin Salmaan Bin C/casiis, Amiir Turki Bin Muhammad bin Fahad bin Abdulaziz Wasiiru Dowlaha iyo Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada, Amiir C/casiis Bin Turki Bin Faysal Bin C/casiis Wasiirka Isboortiga; Amiir C/casiis Bin Sacuud Bin Nayef Bin C/casiis Wasiirka Arrimaha Gudaha, Amiir Cabdalla Bin Bandar Bin C/casiis Wasiirka Ilaalada Qaranka, Amiir Khaalid Bin Salmaan Bin C/casiis Wasiirka Difaaca, Faysal bin Farhan bin Abdullah Wasiirka Arrimaha Dibadda, La-taliyaha Amniga Qaranka Dr. Musaed bin Muhammad Al-Aiban, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka. Maaliyadda, Mudane Muxammad bin Cabdallah Al-Jadaan.
Dhinac kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirkii Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in ka badan 80 magaalo ka xoreeyeen Alshabaab.
Xasan Sheekh ayaa madaxda Carabta u sheegay in horaanta sanadka 2024-ta ay Soomaaliya ku dhawaaqi doonto inay ka xorowdayn kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab.