Monday, June 23, 2025

Midowga Murashaxiinta oo shacabka ugu baaqay inay sii wadaan dibad-baxyada, eedeyna u jeediyey Farmajo

Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa rasaastii ay ciidanka dawladda Federaalka ahi sida arxan darrida ah ugu fureen shacabka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaaharaadayey magaalada Muqdisho, sida lagu yiri qoraal ay soo saaren.

“Golohu wuxuu mas’uuliyada eeddaas dusha ka saarayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ciidanka Gorgor, iyo Haramcad ee ay dawladda Turkiga tababartay u adeegsaday caburinta shacabka mudaaharaadayey. Waxaa rasaastii maanta ay ciidanka fureen ku dhaawacmay ilaa afar ruux, halka la xiray labo ruux oo kale. Taliska Ciidanka Nabadsugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku raadjooga dadkii mudaaharaadka ka qayb galay. Goluhu wuxuu dalbanayaa in si degdeg ah loo sii daayo dadka la xiray, lana joojiyo baacsiga lagu hayo dadkii dibadbaxa ka qaybgalay.” ayaa ka mid ahaa qoraalka kasoo baxay Musharixiinta .

Waxay uga digeen ciidanka in ay qaataan amarka lagu xabbadaynayo shacabka walaalahood iyo waalidoontooda ah, iyagoo xususiyey in muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay oo keli ah 54 maalin.

Ad

Ugu danbeyntii waxay qoraalkooda kusoo gabagabeeyee. “Madaxweyne Farmaajo wuxuu diiddan yahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, la dhigo dibad baxyo iyo kulamo nabadeed oo ay shacabku ku cabirayaan aragtidooda si xor ah, taasoo ka soo horjeeda Dastuurka dalka iyo qiyamka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka. Xorriyadu waxay leedahay qiimo ay ku kacdo, iyadoo taa laga duulayo ayuu Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay sii wadaan isku soo baxyada nabadeed, waxaan idin balanqaadaynaa in aan ku soo biiri doono dibadbaxyada soo socda.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON