Wednesday, July 23, 2025

Midowga Musharixiinta oo dalbaday inuu Farmaajo si deg-dega u banneeyo Villa Soomaaliya (Akhriso)

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa dalbatay in madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamamadaay ee Maxmed C/llaahi Farmaajo uu degdeg u banneeyo Villa Somaliya, iyagoo ku eedeeyay isku afgembi oo ah khiyaano Qaran.

Qoraal ay soo saareen Midowga Mushrixiinta ayey ku sheegeen afgambiga uu ku kacay Farmaajo ay u arkaan in lagu duminayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, laguna carqaladayno doorashooyinka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA


Council of Presidential candidates Tix: GMM/46/21
Tr: 28/12/21

Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa iskudaygii afganbiga ahaa ee uu 27ka December, 2021 ku kacay Madaxweyne hore Maxammad Cabdullaahi Farmaajo.

Goluhu wuxuu afganbigaas dhicisoobay u arkaa in uu ahaa khiyaano qaran oo lagu duminayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, laguna carqaladayno doorashooyinka. Maxamad Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isku-dayey in uu awood ciidan ku qabsado hay’ado madani oo dastuuri ah.

Goluhu wuxuu dalbanayaa in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbigaas.

Goluhu wuxuu dalbanayaa in uu Farmaajo deg-deg u banneeyo Villa Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badan, si ay usoo afjaranto carqaladaha iyo shirqoolada uu ka soo maleegaayo guriga ummadda.

Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Ray’salwasaare Maxamad Xuseen Rooble oo si geesinimo leh uga horyimid afganbiga una muujiyay shacabka Soomaaliyeed in dalku doorasho aado, Farmaajana dibadda ka istaago hawlahaas.

Goluhu wuxuu ka codsanayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay deg-deg u saxaan tabashooyinka habraacyada doorshada oo ay doorashada soo dedejiyaan.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay difaacaan dastuurka, iyo dawladnimada, garabna siiyaan Ray’salwasaaraha, kana hortagaan isku day kasta oo lagu duminaayo hay’adaha dastuuriga ee dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON