Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa qoraal ay u direen Safiirka Turkiga ee Soomaaliya uga cosaday inuu dib u dhigo Hub dowlada Turkiga maanta ilaa 18-ka bishan imaanaya magaalada Muqdisho.
Hubkan oo ku socda Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Turkigu tababarray ee Haramcad ayey musharixiintu sheegeen inuu kusoo beegmay xilli doorasho oo Madaxweyne Farmaajo u adeegsan karo inuu ku boobo Doorashada, iyadoo ciidamadaasi hore loogu adeegsaday arrimo Doorasho.
HOO KA AKHRI QORAAKLA MUSHARIXIINTA U DIREEN SAFIIRKA TURKIGA
Madasha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay hub iyo saanad milateri oo dowladda Turkiga qorsheyneyso in ay u soo gaarsiiso qeybta Haramcad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waqtigan xasaasiga ah, Goluhu wuxuu ogaaday in diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo TUAF767 lagu wado inay magaalada Muqdisho keento 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabadood inta u dhexeysa 16 ilaa 18 December 2020.
Golohu wuxuu garwaaqsanyahay ahmiyada tababarka iyo kor u qaadista ay u leeyihiin laamaha amaanka ee Soomaaliya, hadana golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu horey ugu adeegsaday ciidamada Haramcad xoog ku muquunin iyo ku shubasho doorashooyinka gobolada, sidaa darteedna shaki kuma jiro in isla ciidamadan Haramcad iyo hubka ka imaanaya Turkiga loo adeegsan doono afduubka doorashooyinka soo socda. Sababtaas awgeed, Goluhu wuxuu ka codsanayaa dowladda Turkiga inay dib u dhigto waqtiga keenista hubka aan soo sheegnay illaa laga gaarayo doorashada 2020/21. Waxaan ku rajo weynahay in aad naga aqbali doontid codsigan tixgelin na doontid.

