Midowga Musharixiinta Madaxweynayaasha ayaa madaxweynaha xilkiisu dhammmaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu carqaladeynayo heshiiska iyo wadahadalka u socda Ra’iisal wasaare Rooble iyo Musharixiinta.
Shir jaraa’id oo ay goor dhoweyd qabteen Musharxiinta ayaa waxa saxaafadda la hadlay Musharax C/raxmaan C/shakuur oo shaaciyey inay nasiib darro tahay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo heshiiska iyo wadahadalka dhex maray iyaga iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
“Waxaa ayaandarro ah in Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu si ula kac u xagal daacinayo wadahadalka Ra’iisal wasaaraha iyo Musharixiinta, kadib markii ku dhawaaqay shir uusan shacriyad u lahayn oo dhacaya isla maalinta ay shirka ku ballameen, kaasoo uu ku carqaladeynayo wadahadallada”
Waxay ugu baaqeen Ra’iisal wasaaraha, madaxweynayaasha maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka inaysan qeyb ka noqon tallaabooyinka uu wado madaxweynaha xilligiisu dhammaaday.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu qayb ka ahaa wadahadal u dhexeeya Raysalwasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xal loogu raadinayey dhacdadii 19 Febraayo iyo is-marin-waaga doorashooyinka heer Federaal. Wadahadalka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Wadahadallada oo laga gaaray isfaham horu-dhac ah ayaa dejiyey culeyskii iyo xaaladdii kacsanaanta ahayd ee dalka ka taagnayd, gaar ahaan magaalada Muqdisho, taasoo abuurtay rajo billow ah oo lagu dhammeyn karo is-marin-waaga taagan. Wareeg kale oo wadahadal ayaa labada dhinac ugu ballameen maalinta Khamiista ah ee ay bishu tahay 04/03/21 si loo dhammeystiro arrimaha qabyada ah ee la xariira cidda yeelanaysa mas’uuliyadda hoggaamineed ee amniga iyo doorashooyinka, maaddaama uu muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dalka uu dhammaaday, kaalinta Midowga ee wadahadallada Doorashooyinka iyo furitaanka maslaxada siyaasadeed ee dalka.
Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal- daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.
Haddaba Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ka digayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la fashaliyo wadahadalladaas, wuxuuna ku baaqayaa in fursad la siiyo.Dhinaca kale, Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay kala soo qayb galaan Muddaharaadka maalinta Sabtiga ah 06/03/21 ka dhacaya Daljirka Dahsoon.
Wuxuuna Xukuumadda ugu baaqayaa in ay gudato waajibka sugidda amniga shacabka iyo dibadbaxayaasha sida heshiisku ahaa.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa raysalwasaaraha, madaxwaynayaasha dawlad goboleedyada, iyo beesha caalamka in aysan qayb ka noqon tallaabooyinka gurracan ee uu madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ku carqaladaynayo xasilloonida dalka iyo xal u helidda geeddi socodka doorashooyinka.
DHAMAAD