Midowga Musharixiinta ayaa go’aanadii ugu cuslaa ka qaatay Doorashada Dadban ee 2021, kadib shir uga socday Muqdisho oo la filayo in saacadaha soo socda kasoo saaraan War-murtiyeed cusub .
Wararka laga helayo shirka Midowga Musharixiinta oo barbar socday shirka Wadatashiga Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxda maamul Goboleedyada ayaa sheegay inay isla meel dhigeen mowqifka ay ka qaadayaan arrimaha soo shaac baxay ee Doorashada Dadban, sida Doorashada Aqalka Sare, Habraaca Doorashada Golaha Shacabka iyo Xal u helidda khilaafaadyada taagnaa.
Golaha Midowga Musharixiinta ayaa la filayaa inay dhaliilaan qaabkii madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood u qabteen Doorashadii Aqalka sare ee kuraasta loo xiray shaqsiyaad iyo siyaasiyiin gaara, lagana reebay musharixiin badan oo qaarkood ay saaxiibo la ahaayeen ama ka tirsanayeen xisbiyada ay hoggaamiyaan madaxda Golaha Midowga Musharixiinta.
Arrinta ugu weyn ee xubnaha Midowga Musharixiinta dalbanayaan ayaa ah in Doorashada Golaha Shacabka ay awoodda yeelato beesha kursiga iska leh oo ay ugu horeeyaan Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada rayidka ah, balse aanay awood ku yeelan madaxda maamul Goboleedyada.
Arrinta khilaafka siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi oo madaxda Musharixiinta ay isku dayeen inay xal u raadiyaan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay war-murtiyeedka Midowga Musharixiinta oo ay doonayaan in xal loo hel khilaafkaasi, isla markaana aysan dhici karin doorasho hal dhinac ay qabtaan.
War-murtiyeedka cusub ee Midowga Musharixiinta ee xaaladda Doorashada ayaa si toos ah ugu socda Shirka Wadarashiga Qaran ee Doorashooynka ee Muqdisho maalintii labaad uga socda Ra’iisal wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.
