Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa si weyn loogu cambaareeyay go’aanka Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay ku shaaicyey qabashada xildhibaannada Aqalka Sare.
Qoraalka ayey Musharixiintu ku sheegeen in arrintan bilow u tahay boobka Doorashada ee Madaxweyne Farmaajo doonayo, una bareeray abuuris xasarad siyaasadeed, iyagoo uga digay maamul Goboleedyada inay qabtaan Doorashooyin abuuri kara qas iyo xasarad.
Waxay Musharixiinta ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo beesha Caalamka inay qaswade u aqoonsadaan Madaxweyne Farmaajo, meelna looga soo wadajeesto, si wadajir ahna looga hortago ficillidiisa gurracan ee halista gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka, sida lau yiri War-saxaafdeedka.

HOOS KA AKHRISO
