Thursday, January 21, 2021

Midowga Musharixiinta oo ku baaqay Shir ay ka qeyb galaan, oo ay Goobjoog ka yihiin Beesha Caalamka

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa cambaareeyay go’aanka ay Xukuumadda Federaalka ku sheegtay qabashada Doorasho hal dhinac ah oo aan loo dhammeyn.

Qoraal ay soo saareen Golaha Musharixiinta ayaa lagu sheegay inaygo’aanka xukuumadda u arkaan mid lagu xirayo albaabka wadahalka ee lagu xallin lahaa khilaafka kataagan xeeran meelmarinta heshiiska doorashooyinka heer Federaal oo ay gaareen dowladda Federaalka iyo dawlad Goboleedyada wada gaareen 17 kii September 2020.

Ad

“Wuxuu sidoo kale Goluhu u arkaa go’aanka Xukuumadda ee qabashada doorasho ay ka maqan yihiin Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland mid lagu dhaawacayo midnimada iyo wadajirka dalka. Goluhu wuxuu u arkaa in la doonayo in doorashooyinka lagu boobo ciidanka Haramcad iyo Gorgor ee lagu daabulayo xarumaha ay ka dhacayaan doorashooyinka..” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Musharixiinta oo ka kooban 14 Musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha.

Waxay musharixiinta ugu baaqeen Xukuumadda inay soo bandhigto xalka tabashooyinka laga qabo Guddiga Doorashooyinka, marjaca habraaca lagu dooranayo xildhibaannada Gobollada Waqooyi iyo xaalada ka taagan Gobolka Gedo.

Midowha Musharixiinta ayaa soo jeediyey inay shir isugu yimaadaan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo midowga murashaxiinta, kaasoo ay bulshada rayidka ah iyo beesha Caalamkuna goobjoog ka noqonayaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

153,632FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow
153,632FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!