Friday, July 4, 2025

Midowga Musharixiinta oo la saftay RW Rooble (Bayaan ay ku taageereen xil ka qaadista Saraakiisha NISA)

Midowga Musharixiinta ayaa taageeray tallaabadii uu Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble xilka uga qaaday Saraakiil ka tirsan Hay’dda NISA oo si sharci darro ah u hor istaagay xaqa dastuuriga ee xoriyadda safarka iyo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta.

Bayaan kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale loogu digay Madaxweyna muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu eedeeyay faragelinta doorashada iyo ku tumashada Dastuurka.

HOOS KA AKHRISO BAYAAN MIDOWGA MUSHARIXIINTA

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya wuxuu soo dhaweynayaa talaabada uu Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu xilka uga qaaday masuuliyiin katirsanaa hey´adaha amniga oo isku dayay inay si sharci-darro ah u hor-istaagaan xaqa dastuuriga ah ee xoriyada safarka iyo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Golaha oo ka duulaayo marxaladda adag ee dalku marayo iyo xaaladda kala-guurka ah ee doorashada, waxay ugu baaqayaan dhammaan laamaha kala duwan ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah loo dhawro Dastuurka iyo sarreynta sharciga, lagana dheeraado wax kasta oo khilaaf iyo dib u dhac abuuri kara.

Goluhu wuxuu soo jeedinayaa in talaabada Ra’iisal Wasaaraha ee lagaga hortagayo xayiraadaha sharci-darrada ah ee ka dhanka ah ee xoriyada safarka muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka oo dhan.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Abdullahi Farmaajo in uu ka waantoobo ku tumashada Dastuurka dalka oo uu caadeeystay iyo faragelinta joogtada ah ee uu ku haayo geedisocodka dalka u jiheeystay ee ah in ay dhacaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta muddada loo cayimay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON