Sunday, June 22, 2025

Midowga Musharixiinta oo Qarka u saaran inay kala tagaan iyo Arrimaha soo dhex galay

Musharixiinta Xilka Madaxweynaha ee la baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa soo gaaray xaalad aanay kusii wada socon karin, kadib markii ay dhibaato ku noqotay inay isku aragti ka noqdaan xaaladihii ugu danbeeyay.

Midowga oo halgan dheer soo maray, isla markaana xubnaha ku jiro ay ku mideysnaayeen in la helo doorasho xalaal ah iyo halgankii lala galay muddo kororsiga ayaa mar kasta oo doorashadu soo dhowaato ku qasbanaa inuu soo dhammaado isbaheysigooda, laakiin xilligaas ka hor ayey hadda u muuqudaan inay kala daneysteen.

Guddoomiyaha Golaha Shariif Sheekh Axmed oo muddo dheer ka caga jiidayey hoggaanka, iska fogeeyay dagaalkii Muqdisho ee lagu fashiliyey muddo kororsigii Farmaajo ayaa dhowaan laga diiday is-casilaad, iyadoo lagu qanciyey in xilliga yar ee haray uu dhammeysto, wuxuuna si gaara u wataa ololihiisa.

Ad

Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur oo ahaa kuwo isku mowqif dhow ayaa kala baxay, waxaana hoos udhac weyn ku yimid saameynta mushariixintii kale ee Midowga Mushrixiinta oo khalkhal u galay khilaaf ka dhex qarxay C/kariin Guuleed iyo C/raxmaan C/shakuur, kaasoo ku saabsanaa taageerada ama cambaareynt Ra’iisal Wasaaraha.

Go’aankii ugu danbeeyay ee Midowga Musharixiinta ka qaatay Xaaladda Galmudug ayaa bannaanka keenay inaysan sii wada socon karin Midowga Mushariixinta, lana soo gaaray xilligii ay kala tegi lahaayeen.

Waxaa arrintan si cad bannaanka u keenay afhayeenka Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo Jimcihii qabtay shir jaraa’id oo isaga u gaara, kuna eedeeyay Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda Maamul Goboleedyada inay qaadayaan mas’uuliyadda dib u dhaca Doorashada aan la ogeyn xilliga ay dhici doonto.

- Advertisement -

Taageerayaasha Musharixiinta ayaa maalmihii ugu danbeeyay dagaal ku dhex marayaa baraha bulshada, waxaana la sheegay inay isu adeegsanayaan taageerayaashooda oo degdeg badani ka muuqdo.

Musharixiinta Golaha iyagoo ku jira haddana isaga tegay iyo kuwa rajada ka qaba inuu golaha sii jiro waxay ku xirnaan doontaa horumarka laga gaaro Doorashada oo weli si weyn gaabis ugu socota.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON