Friday, July 4, 2025

Midowga Musharixiinta oo shaaciyey inay Garab taagan yihiin RW Rooble (War-saxaafadeed cusub)

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si degdega u soo dhoweeyay xilka ka qaadista uu ku sameeyay xubno ka tirsan Guddiga xalinta Khilaafaadka si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka.

Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen sinay ku garab istaagayaan tallaabo kasta oo lagu saxayo geeddi socodka doorashada si loo helo doorasho natiijadeeda lagu kalsoonaan karo, dalkana ka samata bixin karta qalalaase amni iyo mid siyaasadeed.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Golaha Midowga Musharaxiinta
Tix: GMM/43/21 / Tr: 18/12/21

Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhaweynayaa tallaabada uu xilka kaga qaaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka, loogana hortago ku xadgudubka xuquuqda muwaadinka, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo dhaawici kara hufnaanta doorashada, keeni karana cadaalad darro.

Isbedelka lagu sameeyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu horudhac u yahay soo celinta kalsoonida shacabka, waana in dib looga laabto go’aannadii Guddiga ay hore u gaareen.
Goluhu wuxuu ku dhiirri gelinaayaan Ra’iisu lwasaaraha inuu waddo kasta oo sharci ah u maro suulinta caqabadaha dhiman ee weli ku horgudban doorashooyinka Golaha Shacabka, si ay dalka uga dhacdo doorasho hufnaan iyo daahfurnaan leh, maadaama isaga loo igmaday taabbagelinta doorashooyinka dalka.

Goluhu wuxuu garab istaagayaa tillaabo kasta oo lagu saxayo geedisocodka doorashada, si loo helo doorasho natiijadeeda lagu kalsoonaan karo, dalkana ka samatabixisa qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON