Friday, July 18, 2025

Midowga Musharixiinta oo shaaciyey inuusan aqbali doonin Doorashada Degaanada Boobku ka dhacay

Golaha Midowga Murashaxiinta oo sheegay inuu maalamahan leeyahay kulamo dhexdiisa ah, qaar uu la yeelanayo Ra’iisal wasaare Rooble, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka ayaa shaaciyey inuusan aqbaleynin doorashada maamul Goboleedyada qarkood ee Boobku ka socdo.

“Goluhu wuxuu mar kale caddeynayaa in uusan aqbali doonin doorashooyinka degaannada qaar ee lagu billaabay boob qaawan oo la isugu awood sheegtay, laguna tuntay dhammaan habraacyadii doorashada, taasoo halis gelinaysa xasiloonida dalka iyo jiritaanka dawladnimada” ayaa lagu yiri qoraal kooban ookasoo baxay Midowgha Musharixiinta.

Midowga Musharixiiinta ayaa sheegay inay sii wadayaan kulamadooda, ayna ka shaqaynayaan sida ugu haboon oo dalka looga hirgelin lahaa doorasho hufan oo daahfurnaan leh, laguna badbaadiyo masiirka dalka iyo geedi-socodka dhismaha nabada iyo dawladnimada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON