Golaha Midowga Musharixiinta ayaa qoraal ay soo saareen ku muujiyey walaaca ay ka qabaan isku dayga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ku doonayo fashilinta shirka madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.
“Shacabka Soomaaliyeed iyo Midowga Murashaxiinta waxaa u caddaatay in Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday uu carqaladayn joogta ah ku hayo geeddi socodka lagu baadigoobayo doorasho wadar oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, iyadoo ujeedkiisu yahay muddo kororsi khilaafsan dastuurka, halisna ku ah xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Midowga Musharixiinta waxay soo bandhigeen 7 tallaabo oo Maxamed Farmaajo u dhigay inuu ku hor istaago Doorasho wadar ogol ah oo heshiis lagu yaha inay dalka dhacdo, waxayna ugu baaqeen inuu shirka dib ugu laabto.
HOOS KA AKHRISO

