Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal degdega oo lagu taageerayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraalka oo ahaa mid kooban ayaa lagu taageeray sixiitaanka uu Rooble ku wado Doorashooyinka iyo shirka uu isugu yeeray Muqdisho Golaha Wadatashiga.
“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu soo dhowaynayaa shirka madasha wadatashiga qaran ee 27 December 2021 uu ku u baaqay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Goluhu wuxuu boggaadinayaa dadaalka uu Raysalsawasaaraha ugu jiro sixitaanka doorashooyinka” ayaa lagu yiri qoraalka goor dhoweyd kasoo baxay Musharuixiinta.
Goluhu ayaa rajo ka muujiyey in si wadajir ah looga gudbo caqabadaha ku horgudban inay dalka ka qabsoomto doorasho hufnaan iyo daahfurnaan leh, taasoo lagu qanco natiijadeeda.
Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayo magaalada Muqdisho ka hor shir ay maanta yeelanayaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Xilgaarsiinta.
