Midowga Musharixiinta oo shir degdega ka yeeshay xaaladda dalka iyo arrimaha Doorashada, kadib tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Shir-Jaraa’id oo ay qabteen waxaa ka hadlay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo shaaciyay in maanta 26 Disembar ay sanad kasoo wareegtay markii ay ahayd in la dhaariyo oo ay shaqo bilaabaan Baarlamaanka 11-aad, haddana aan la heyn Baarlamaan, soona muuqan.
“Caqabadda Doorashada hortaagan Doorashada ilaa maantaba hortagaan waa Maxamed C/llaahi Farmaajo.. Warkii xalay kasoo baxay Farmaajo Waalli waaye, aanay ku jirin caqli iyo sharci midna, dulqaadka dadka ma aha in lo oqaato Dayuusnimo…” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Farmaajo ayuu ku tilmaamay in Farmaajo uu yahaya caqabadda ugu weyn ee dalka heysta, isla markaana aysan furneyn wado aan ahayn hoggaanka Ra’iisal Wasaaraha ee Doorasho dalka ka dhacda iyo in la saxo waxyaabaha ka khaldan Doorashada, dibna loo eegaa habraacyada Doorashada.
Shirka Wadatashiga ee Rooble ku baaqay ayuu dalbaday in la ballaariyo, ayna qeyb ka noqdaan dhinacyada kale ee Soomaalida; loona baahan yahay talo Soomaaliyeed iyo wadar ogol.
“Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu na kala doorsiinayaa laba arrimood oo aan la qaadan karin… Doorasho sidii isaga uu rabo loogu dhaco oo loo boobo, uuna hubo inuu 100% madaxweyne ku noqonayo iyo inuu sii joogo oo meesha iska fadhiyo.. labadaba mid la aqbali karto ma jirto..” ayuu si kulul u yiri Xasan Sheekh oo sheegay inay Soomaaliya ka weyn tahay wax uu caqligiisa ku maamuli karo.
Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale si too s ah ula hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo uu sheegay inuu halis geliyay dalkan markiii uu muddo kororsi u sameeyay Farmaajo, haddana uu uga digayo inuu tallaabno kale qaado.
“Baarlamaan sharciyad haysta majiro Farmaajo shalay ayuu ku hoday ee mar kale yuusan ku hodinn Mursaloow, ka joog ayaan leenahay…” ayuu yiri Xasan Sheekh.
