Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu canbaareeyay qalaalase ay sheegeen inuu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ka hurinaayo Gobolka Hiiraan.
Goluhu ayaa qoraal uu so osaaray ku sheegay inay u arkaan tabashada reer Hiiraan inay tahay qaddiyad siyaasadeed oo u baahan waan-waan iyo wada-xaajood siyaasadeed, iyagoo ku baaqay in arrinta Hiiraan lagu xaliyo waanwaan iyo wadahadal.
“Wuxuu Goluhu u arkaa in socdaalkii uu taliyaha ciidanka lugta ku tegey Gobolka iyo ciidanka maanta laga dejiyey Beledweyne ay yihiin tallaabooyin wiiqaya fursadaha nabad iyo wadahadal ee khilaafka lagu xalin karo, liddina ku ah habsami u socodka doorashooyinka iyo fulinta go’aanadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in aysan ciidanka ku milmin siyaasada” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharixiinta.
Waxay sheegeen inay weli muuqato in taliyayaasha ciidanka ay iska dhegatirayaan go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran, iyo baaqyadii bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka soo baxayey.
“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Raysal Wasaare Rooble in uu qaato masuuliyadda kaga aadan arrinkan, xaqiijiyana in ciidanka laga dhexsaaro siyaasada, loona jiheeyo la dagalaanka argagexisada Alshabaab iyo Daacish oo albaabada iskugu dhuftay suuqii ugu waynaa ganacsiga Soomaaliya ee Bakaaraha” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Midowga Musharixiinta.
