Sunday, June 22, 2025

Midowga Musharixiinta si kama danbeys ah u dalbaday in la joojiyo Doorashada (Go’aan culus)

Midowga Musharaxiinta ayaa war saxaafadeed cusub kasoo saaray Arrimaha Doorashada iyo xaaladda dalka, iyagoo dalbaday in la joojiyo Doorashada inta laga saxayo qodobbo dhowr ah.

Qoraal ay caawa soo sareen kadib shirar wadatashi oo u socday ayey ku baaqeen in la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo boobka, loona xaliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

Waxay kalo dalbadeen in la saxo habraaca doorashada oo ay ugu horeyso in la shaaciyo liiska 135-ta Oday dhaqameed iyo in la xaqiijiyo Ergada doorashada ay yihiin kuwo ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka ee la diiwaan geliyay.

Ad

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Golaha Midowg Murashaxiinta wuxuu mar walba u taagan yahay xaqijinta sidii ay dalka uga hirgeli lahayd doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla ogol yahay. Goluhu wuxuu 30 November 2021 u caddeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in uusan qayb ka ahayn, aqbalayna boobka qaawan ee doorashada golaha shacabka ay ku billaabatay.

Goluhu waxaa u sOcda wadatashiyo ku aaddan sida ugu haboon ee looga hortegi karo boobka lagu hayo doorashooyinka.

- Advertisement -

Goluhu wuxuu kala xulanayaa hadba tallaabada ku haboon ee dalka looga samatabixin karo xaaladda adag ee uu marayo.

Goluhu wuxuu mudnaanta siinayaa in la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashooyinka lagu wado, isagoo taas ka duulaya ayuu Goluhu soo jeedinayaa:

1-In doorashada la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado, si loo joojiyo boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

2-In la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado, si ay taas u hirgasho waxaa lagama maarmaan ah;-

- Advertisement -

a) In la faafiyo liiska odayaasha dhaqanka 135, iyo guddi- beeleedka soo xulaysa ergada kursi kasta.

b) In la xaqijiyo ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka, la diiwan geliyo, la faafiyo magacyadooda.

c) In kursi kasta lagu tartamo isla markaana la mamnuuco malxiiska iyo in shakhsi loo xiro.

d) In goob kasta oo doorasho ay joogaan korjoogayaal Soomaali ah iyo kuwo caalami ah, iyo saxaafadda madaxa bannaan.

e) In dib loogu laabto doorashada kuraasta la boobay lana waafajiyo habraaca doorasho ee lagu heshiiyo.  In markii la saxo habraaca doorashada, la soo saaro jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay billaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso doorashada.

g) In aan baaritaan lagu celin karin xubnihii Baarlamaankii hore, halka tartamaha cusub ee xilka xildhiban looga joojin karo,keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, iyo in lagu hayo fal argagexiso oo caddayn leh.

h) In murarashaxiinta u tartamaysa kursi kasta ay helaan fursado siman oo ay ergada kursiga kula kulmi karaan, ergadana aan loo didin inay si siman u arki karaan murashaxiinta kursiga

i) In aan Muqdisho loo soo wareejin karin kuraas deegaan doorasho kale.

j) In la xaqijiyo qoondada haweenka lana qeexo sida ay ku imaaneyso, si meesha looga saaro hab hawo-raac ah oo goondaynta loogu beegsanayo murashax gaar ah.

Goluhu wuxuu diyaar u yahay in uu doorashooyinka ka qaybgalo haddii la waafajiyo shuruudaha kor ku xusan. Haddiise la baal maro, lana sii wado boobka doorashada, Goluhu isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee saaran, wuxuu qaadayaa tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah samatabixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON