Midowga Yurub ayaa ka dalbaday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble inay soo afjaraan khilaafkoooda siyaasadeed.
War uu soo saaray Ku-xigeenka Guddoomiyaha Midowga Yurub ee dhinaca siyaasadda Josep Borrell ayaa lagu yiri: “Midowga Yurub wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay soo afjaraan is-maandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya xilligan”
Warka ayaa lagu sheegay in si nabadgelyo ah loogu socdon Geedi socodka doorashadu, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyay ee 27 May 2021. Doorashada waxay fure u tahay bedqabka dadka Soomaaliyeed.
Midowga Yurub ayaa dhammaan dhinacyada Siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay inay is-xakameeyaan oo ilaaliyaan xasilloonida ee Soomaaliya iyo tan Gobolka.
Mareykanka iyo Beesha Caalamka ayaa hore ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble inay soo afjaraan khilaafkooda si uusan halis ugu noqon Doorashada.