Sunday, February 5, 2023

Midowga Yurub oo Qeyb ka mida 42 Milyan Doolar oo lagu horumarinayo Ciidamada Booliska Somalia [Akhriso]

Midowga Yurub ayaa ogolaaday bixinta inta badan dhaqaale lagu taageerayo Booliska Soomaaliya oo gaaraya 42 -Milyan oo doolar, kadib shir looga hadlayey Qorshaha horumarinta ciidamada Booliska oo ka dhacay Muqidsho.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shir guddoomiyey shirka dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo looga hadlayay qorshaha horumarinta ciidanka booliska Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, kaasi oo dhawaan Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya ku kala saxiixdeen 42 Milyan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay shirka ku soo bandhigtay baahiyaha gaarka ah ee la xirira horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay diyaarisay Wasaaradda Amniga, iyadoo ay ka mid ahayd qorshaha sugidda Amniga garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho oo dhawaan amnigiisa lagu wareejiyay ciidanka booliska.

Ad

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshahan uu ahaa mid Midowga Yurub ay kal hore kala saxiixdeen dowladda, isla markaana 80% uu ku so dhamaaday guul, isagoo intaa ku daray in dhawaan ay markale yeelan doonaan shir arrimahan la xiriirta.

“Shirkan waxa uu daba socdaa shirkii hore aan ku kala saxiixanay 42 Milyan oo lagu kobcinayo Booliska Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed, marka sida aan horey u sheegnay baahida heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed ayaan soo gudbisanay, marka maanta waxaa la ansixiyay 80%, wixii aan soo gudbisanay dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, tusaale ahaan baahida stadium Muqdisho oo aan dhawaan la wareegnay, dhawaana wey heli doonaan qalab iyo wixii ay u baahan yihiin, waana guul u soo hooyatay Soomaali oo dhan, lacagtaasna waa lacag loogu talaglay Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!