Wednesday, June 25, 2025

Mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaare Kheyre oo la geeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka

Mooshinkii ugu horeeyay ee lagu soo gole joojinayo ayaa la geeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mooshinkan waxaa guddoonka Aqalka Sare u gudbiyay xildhibaano uu hormuud u yahay Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, waxaana la sheegay in wax laga weydiinayo arrimo dhowr ah oo lagu tuhmayo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Mooshinka oo ah u yeeris Wasiirka Koowaad, wuxuu salka ku hayaa kaalinta xukuumadda ee Hirshabeelle iyo dhowr qodob oo kale, waana kii ugu horeeyay ee Aqalka Sare la geeyo, iyadoo loogu yeerayo madaxda dowladda Federaalka.

Aqalka sare ayaa metela dowlad Goboleedyada dalka, waxayna difaacaan danaha maamuladaasi, iyadoo howshooda ay bilow tahay.

Goobjooge

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON