Thursday, June 26, 2025

Mooshin ku saabsan Xaalada Ammaanka oo loo gudbiyay Golaha Shacabka [Dhageyso]

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa soo gudbiyay Mooshin u gudbiyay guddoonka, kaasoo ku saabsan xaaladda ammaanka dalka.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay guddoonka soo gaarsiiyeen mooshin ku saabsan dood laga yeesho xaaladda ammaanka dalka.

Wuxuu intaas ku daray in si arrintaasi la isula meel dhigo uu shir ugu yeeray Guddiyada difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo galabta kulan ka yeelan doona arrintan, waxaana kadib ay Baarlamaanka la wadaagi doonaan wixii kasoo baxa shirkooda.

 

Xildhibaannada qaarkood ayaa hore u dalbaday inay baarlamaanka hor yimaadaan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo xukuumadda ay xilalkii ka qaaday taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON